Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Maxkamada G/Banaadir Oo Dalbatay in Lasoo Buuxiyo Eedaha Dadkii ka Dambeeyey Dilkii Marxuum Axmed Dowlo.

sawir
Wed 24 April 2019.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta markale u fariisatay dhageysiga dacwad loo heysto  dad ku eedeysan gubid iyo dil ay u geysteen marxuum Axmed Mukhtar Saalax (Axmed dowllo)

Dadka maanta maxkamada ka soo hormuuqday  ayaa la sheegay in tiro ahaan ay gaarayaan 6 ruux, kuwaasi oo dhamantood ku eedeysan in ay geysteen falkan isugu jirtay gubis iyo dil si arxan dara ah.

Maxkamada ayaa la sheegay inay ku qanci weyday eedaha la horkeenay, waxaa na la sheegay in dib loo dhigay dhagaysiga kiiska Axmed Dowlo, inkastoo aan la shaacin waqtiga rasmi ah.

Wararka ayaa sheegaya  in maxkamada ay dalbatay in la soo dhameystiro eedaha loo heysto eedeysanayaashan.

Maxruum Axmed dowlo ayaa 20-kii bishii September 2018 lagu dilay Garaash uu ku lahaa Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, waxaana dilkiisa ka dambeeyey Waalidiinta Gabar uu guursaday Wiil uu Adeer u yahay, iyada oo loo dilay sababo la xiriira heybsooc.



37 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines