Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Maxkamada Maraykanka Oo Dhagaysatay Dacwada Haweenay Soomaali Ah Oo Lagu Eedeeyay Dilka Wiil Yar Oo Ay Ayeeyo U Tahayd.

sawir
Wed 24 April 2019.

Foos Cabdi Xaashi oo 70 jir ah ayaa waxaa Jimcihii la soo dhaafay la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalada San Jose ee Gobalka California ee dalka Maraykanka, iyadoo lagu soo eedeeyey dilkii wiil 3 jir oo ay Ayeeyo u ahayd, waa sida hadalka loo dhigay.
 
Booliska Degmadda Milpitas ee isla Gobalka California waxay sheegeen inuu falkaasi dhacay maalintii Isniinta ee toddobaadkii hore, kadib markii laga soo wacay Telefoonks 911, waxayna sheegeen inuu ilmaha yar hal saac kadib ku geeriyooday cisbitaal ku yaallaa Degmadda Milipitas oo ku taalla Koonfurta magaalada San Faransiisko.

Gabadh la dhalatay wiilka geeriyooday oo lagu magacaabi jirey Ayuub waxay u sheegtay Booliska inay daawanaysay markii ay Ayeeyada wiilka yar dhulka ku tuurtay.

Ayeeyada waxay Booliska u sheegtay inuu wiilka yar hunqaacayey, kadibna uu geeriyooday, markii ay sarriirta seexisay, si uu u nasto.

Shabakadda Wararka ee AB7 News ayaa qortay in Foos Cabi Xaashi lagu soo oogay dilka ilmahaasi oo ah heerka 1-aad ee fal-dembiyeedka dilka.

Dacwad-ooge Luis Ramos waxa uu dhegeysiga Dacadaasi ee Jimcihii la soo dhafaay waxa uu tilmaamay in caddaymaha ay hayaan u muuqdaan inay Ayeeyada ka dambeysay geerida wiilka yar ee la oran jirey Ayuub, waa sida hadalka loo dhigay.

Foos Cabdi Xaashi oo uu Turjumaan u fasirayey dacwadaha lagu soo oogay way ka gaabsatay inay qirato eedeymaha loo haysto.

Garsooraha waxa uu dib u dhigay dhegeysiga dacwadaasi oo dib loo qaadi oono bisha soo socota ee May 8-da, waxayna muteysan kartaa Xabsi 25-sanno, haddii lagu helo dilka wiilka yar ee ay Ayeeyada u ahayd.

 



33 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines