Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Madaxwayne Farmaajo Oo Booqasho kadis ah ku Tagay Dalka Eritrea.

sawir
Wed 24 April 2019.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw booqasho aan horey loo sii shaacin ku tagay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Asmara si heer sare ah ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha dowlada Eritrea Isias Afewerki iyo masuuliyiin kale .

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin booqashada uu Madaxweyne Farmaajo ku tagay dalka Eritrea, waxaana la filayaa in Madaxweyne Farmaajo inta uu joogo Asmara kulamo la qaato Madaxweynaha Eritrea.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey dhowr mar booqasho ugu tagay dalka Eritrea, lamana oga waxa xiligan kuoo beegay safarka aan la shaacin uu maanta Madaxweynaha ku tagay dalka Eritrea.



22 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines