Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Xadka U Dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea Oo Dib loo Xiray.

sawir
Tue 23 April 2019.

Xadhka u dhexeeya dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa dib loo xidhay, waxaana gebi ahaanba hakad galay howlihii ganacsiga ee ka socday deegaanka xadka.


Waxaa shalay la xiray goobta kaliya ah ay isaga kala gudbayeen shacabka dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo ku taalla xadka labada dal gaar ahaan degaanka Bure-Assab.

Lamana garanayo sababta ka dambeyso in la xiro xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea oo dhowr bilood ka hor ay wadajir u fureen hogaamiyeyaasha labada dal ka dib muddo 25 sano ka dib sanado badan oo u xirnaa.


Sannadkii lasoo dhaafay, ayay aheyd markii dib loo furay xadka Eritrea iyo Itoobiya, waxay arrintani ka dambeysay markii heshiis nabadeed ay wada gaareen labada dal oo lagu soo afjarayo colaaddii dhanka xadka.



19 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines