Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Siyaasi Salalaad Cali Jeele Oo Qaran Dumis-nimo ku Eedeeyay Siyaasiyiinta ku Shirsan Nairobi.

sawir
Tue 23 April 2019.

La Taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Salaad Cali Jeelle ayaa qaran dumis ku eedeeyay siyaasiyiinta ku shiray magaalada Nairobi, isagoo xusay in aysan dooneyn xal, balse ay u hormuud u yihiin carqalad iyo burburin.

“Arrinta Nairobi iyo shirka ka dhacay duminta waxaa kow ka ah dalka dibadiisa in lagu shiro, ee siyaasad looga oo la dhaho dalkeena cabasho ka nahay, madaxda dhibaatadan wadaan, waa runtii shir dowladnimada looga soo horjeedo”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in siyaasiyiinta ku shiray Nairobi ay doonayaan in Xukuumadda meesha laga saaro, isla markaana la qarbudo dowladnimada sida uu hadalka u dhigay.

Salaad Cali Jeele oo hogol tusaalaynaya siyaasiyiinta ku shirsanNairobi ayaa yidhi,“Meeshii wanaagsaneyd cagta saari maayaan, meeshii lagu jabaayo oo qarbudaad ah ayay tilmaamayaan”

Sidoo kale la taliya ayaa xusay in looga baahnaa siyaasiyiinta ku shiray Nairobi inay ka hadlaan nidaamka doorashooyinka, sidii la isugu soo dhoweyn lahaa dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo dagaalka Argagixisada

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dowladda hada jirta ay leedahay muddo xileed afar sano ah, haatan ay dhamaatay labo sano.



16 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines