Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Markaykanka Oo Cunaqabatayntii Iraan Ee Dhinaca Iibka Saliida sii Adkeeyay.

sawir
Tue 23 April 2019.

Mareykanka ayaa maanta cunaqabatayn hor leh kusoo rogay dalka Iran isagoo soo gaba gabeeyay ogolaashihi uu dalalka qaar u ogolaaday in ay saliidda ka sii iibsan karaan dowladda Iran, taasoo hadda culeys dhaqaale oo xoog leh ku keeni doonto xukumadda Tehran.

Aqalka Cad ayaa Isniinti maanta ku dhawaaqay, in madaxweyne Donald Trump uugo’aansaday in uu dhameeyo cafiski uu Mareykanka ka cafiyay dalalka Japan, Kuuriyada Koofureed, Turkiga,Shiinaha iyo Hindia in ay Iran ka iibsan karaan saliidda xilli ay saarantahay cunaqabteynta dhaqaale ee uu maamulka Trump dul dhigay Iran.

Waxaa horay u joojiyay iibsiga saliida iyo shidaalka Iran, dalal ay ka mid yihiin Talyaaniga, Gariiga iyo Taiwan, iyaga oo raaca dalamka Mareykanka ee ah in la fuliyo cunaqabateynta Iran.

Mareykanka wuxuu sheegay in Sacuudiga iyo Isutaga Imaaraadka Carabta ay ogolaadeen in ay kordhiyaan wax soo saarkooda saliidda, si loo haqab-tiro dalabka saliidda ee caalamka, halka saliidda Iranna laga tiri doono suuqayada saliidda ee caalamka.

 



32 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines