Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Ruushka Oo Moscow ku Qaabilay Dhiggiisa Somaliya.

sawir
Mon 15 April 2019.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay magaalada Moscow Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergie Lavrov.

Wasiir Cawad ayaa magaalada Moscow kaga qeyb galaya Shirka 5aad ee Iskaashiga Carabta iyo Ruushka.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayuu ku sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka uu kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo rajooyinka ku aadan sidii iskaashig cusub u yeelan lahaayeen labada dal.

Ruushka oo ka mid ah dalalka quwadaha waa weyn ayaa xilligan siyaasadda Soomaaliya ku laheyn saameyn, inkastoo xilligii Midowgii Soviet ay xiriir dhow la laheyd dowladdii Milateriga aheyd, isla markaana horay Ruushka loogu soo tababaray saraakiil ciidan.

Sanadkii 2016 ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid oo safar ku tagay Ruushka uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Mr Sergei Lavrov.



15 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines