Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

ONLF Oo Markii Ugu Horaysay Shir Uga Furmay Magaalada Qabri-Dahare Ee Ismaanulka Somalida.(Sawiro)

sawir
Mon 15 April 2019.

Ururka ONLF ayaa saaka shir uga furmay magaalada Qabri-Dahare ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Shirkan waxaa goob joog ka ah mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida, dowladda Federaalka, iyo xubno ka socdo uraradii ka dagaallami jiray Itoobiya sida Arbaanyood, Ginbot7 iyo OLF.

Ugu horreyn waxaa Shirwaynaha furay Guddoomiyaha Ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cisman, wuxuuna ka hadlay Tasriikhdii dheerayd ee Ururku soo maray iyo halgankii qoriga ahaa ee uu soo maray Ururka ONLF, wuxuuna sheegay in Ururku halgankii uu sii wadayo oouu hadda kaddib qalin ku halgami doono halkii uu waagii hore qoriga uu ku halgami jiray.

Sidoo kale Guddoomiyuhu waxaa uu sheegay inta Shirkan lagu jiro maanta ilaa bari inay ururin doonaan aragtida dadwaynaha, isla markaana talada shacabka qaadan doonaan.

Guddoomiyuhu sidoo kale maamulka dawladeed ee Gobollada degaanka ayuu dhaliilo usoo jeediyay isagoo tusaale usoo qaatay socdaalkii uu Ururka ONLF dhawaan ku marayay qaybo kamid ah degaanka inay kusoo arkeen Hormar la'aan ka jirta degaanka iyo dawlad la'aan waa siduu hadalka u dhigay.

Ururka ONLF ayaa lagu wadaa inay doortaan xubnaha golaha dhexe ee xisbiga ay horraan ku dhawaaqeen.

Sikastaba ha ahaatee Shirkan ayaa la sheegay inuu socon doono muddo saddex maalmood ah, iyadoo shirkani uu noqonayo kii ugu horreeyay ee ay ku yeeshaan gudaha dalka tan iyo markii isbaddallada ay ka dheceen Itoobiya

 



9 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines