Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Xuutiyiinta Yemen Oo ku Dhawaaqay Inay Xidhiidh la Samaysanayaan Maraykanka.

sawir
Mon 15 April 2019.

Ka dib muddo Afar sano ka badan oo uu dagaal qaraar ka socday dalka Yemen, kaas oo galaaftay nolosha kumanaan qof, malaayiin kalena qarka u saaray macluul, ayaa haatan Jabhadda Xootiyiintu waxey sheegeen inay diyaar u yihiin inay xiriir la yeeshaan Mareykanka, sidaasina waxaa sheegay sarkaal u qaabilsan xootiyiin Arrimaha Dibadda.

Colaadda Yemen ayaa soo bilaabatay 2015kii waxeyse sii xoogeysatay markii uu isu bedelay dagaal ay kala taageerayaan Sacuudiga iyo Iran.

Waxaa dalkaasi galay isbaheysi uu Sacuudigu taageerayo oo gacan siinaya dowladda caalamku aqoonsanyahay, si ey isaga celiso jabhadda Xuuthiyiinta ee gacan saarka la leh Tehran.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay VOAda, ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukumadda ismagacawday ee Xuutiyiinta, Hisham Sharaf Abdullah, waxa uu ku sheegay inay doonyanaan inay dhisaan xiriir ay la yeeshaan Mareykanka, iyadoo dhinacayda dalkaasi ku dagaalamaya ay raadinayaan xal ka soo baxay dadaalka ay Qaramada Midoobay Hormuudka ka tahay.



7 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines