Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Cabasho Laga Muujiyay Diyaarado wax-yaabo Aan la Garaneyn ku Tuuray Deegaanka Salaxley Ee Somaliland.

sawir
Sun 14 April 2019.

Guddoomiyaha deegaanka Salaxley Ismaaciil Yuuusuf Xusseen oo u sheegay warbaahinta in diyaarado joog hoos ku duulaya ku tureen qoys reer guuraa ah oo deegaanka ku dhaqan walxo aan la garaneyn laakiin sida uu hadalka u dhigay u muuqday walxaha qarxa.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in aysan jirin cid wax ku noqotay , balse arintan cabsi weyn ayeey ku abuurtay dadka deegaanka, waxaa uu sheegay in walxahan ay gubeen ” xeradii” reerku daganaayeen

“Diyaaradahan oo sida ay dadka deegaanku noo sheegeen joog hoos ku duulayay ayaa wax-yaabo qaraxa ku tuureen dad reer miyi ah oo degan meel u dhaxaysa salaxlay iyo deegaanka Aaden Abokor, ma jiro wax dhimasho ah ama dhaawac ah oo dadka soo gaadhay, balse dab xoogan oo hubkaasi sababay ayaa gubay jabadkii reerku degenaayeen” ayuu yiri Gudoomiye Shiine.

Dhacdadan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo deegaanka ka dhacda, waxaana soconaya ayuu yiri guddoomiyaha baaritaan lagu sameynayo qalfoofta walxaha ay soo rideen diyaaradaha oo goobta laga soo qaaday.



28 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines