Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Itoobiya Oo Shaacisay In Gacanta Lagu Dhigay Rag Weeraro Al-Shabaab ka Fulin Rabtay Magaalada Addis ababa.

sawir
Sat 13 April 2019.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya mud. Birhanu Seggaye  ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ku Shaaciyay In la fashiliyay Weerar argagixiso oo laga fulin lahaa qaybo ka mid ah magaalada Addis Ababa islamarkaana gacanta lagu dhigay shaqsiyaadkii fulin lahaa.

Birhanu Seggaye wuxuu intaa ku daray in shaqsiyaadka falkaasi loo qabtay ay yihiin kuwa xiriir la leh Al-Shabaab isagoo xusay iney doonayeen iney qaraxyo ka sameeyaan goobaha ay dadku ku badan yihiin balse inta aysan falka fulin ka hor gacanta lagu soo dhigay.

Laanta sirdoonka qaranka ee dalka Itoobiya ayuu sheegay iney xireeb shaqsiyaadka weerarkan qorsheynayey oo muddo badan dabagal lagu hayey.

“Waxaa shaqsiyaadkan lagu qabtay dokumantiyo muujinayo weerarka ay damacsanaayeen qaabka ay u fulin rabeen iyo xog kale oo muhiim ah kooxdaasi la xiriirta, “Sida ay wax u damacsanaayeen haddii ay wax u dhici lahaayeenna waxaa ka dhalan lahayd khasaaro weyn” ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud oo intaas ku daray  in dhawaan ay shaacin doonnaan faahfaahinta ku saabsan falalka argagixiso ee lala damacsanaa Addis ababa.



21 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines