Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Madaxweynaha Jubbaland Oo soo Gaaray Muqdisho.

awdalmedia
Mon 25 March 2019.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa goor dhaw soo gaaray magaalada Muqdisho

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan golaha Wasiirradda xukuumadda Soomaliya oo uu horkacayo Wasiirka arrimaha gudaha iyo xildhibaanno ka kala tirsan labada Aqal ee dowladda.

Socdaalka Axmed Madoobe ayaa la xiriira dhameystirka heshiiska Jubbaland iyo dowladda dhexe, isaga oo dhawaan Kismaayo ka sheegay in uu tago magaalada Muqdisho isaga oo la kulmaya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhawaan Kismaayo waxaa tagay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo meel fagaaro ah kala hadlay shacabka ku dhaqan magaalada, isaga oo muujinaya isku soo dhawaashaha siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo Jubbaland.



14 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines