Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Madaxwayne Saylici Oo Tacsi U Diray Qoyska Uu ka Baxay AHUN Marxuum Kornayl Cismaan Cisman Ducaale.

sawir
Sun 24 March 2019.

Madaxweynekuxigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici Oo Dhambaal tacsiya udiraya Eheladii iyo Shacabka Somalialnd EE Maanta uukabaxay Marxuun Colnel Siciid Cismaan Ducaale.
 
INAALILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
ANIGA OO KUHADLAYA AFKA XUKUUMADA JSL WAXA AAN TACSITIIRAANYO LE UDIRAYAA EHELADII QARAABADA IYO BULSHADA REER SOMAALILAND EE MAANTA UU KA BAXAY COLNEL SICIID CISMAAN DUCAALE OO MAANTA KUGEERIYOODAY MAGAALADA BOORAMA
MARXUUNKA WAXAN ALAHA AWOODA LEH UGA BARYAYAA IN UU JANADII KA WARAABIYO DHAMAANTEENA SAMIR IYO IIMAAN INAGA SIIYO
AAMIIM

Dhinaca kale Qayb ka mid ah Taariikh nololeed kii Ale Ha u,naxariistee, Colonel Siciid Cismaan Ducaale.

Aniga waxa iigu horaysay, Colonel Siciid Cismaan Ducaale sanadkii 1989kii wakhtigaasi oo aan ka mid ahaa cutubyadii maleeshiyaadkii jabhadii Buuralayda iyo Bada Cas ee wakhtigaasi dhaqdhaqaaqyada iska caabinta ah kala horjeeday xoogagag SNM .ka bilaabay deegaanka Caada iyo Waraqa dhigta. Coll, Siciid waxa uu ahaa hogaanka tababarka ee ciidamada milatariga ee Qaybtii 26 aad ee xaruntoodu ahayd magaalada Hargeysa, waxaanu kornelku noogu yimiday in uu sidii uu u tayaynlahaa Jabhada isaga oo gaadhigii gaashaanaa ee ugu horeeyay ee tecknico ah oo uu saarnaa qoriga Baroonka looyaqaanay  iyo kontonkii qori ee ugu horeeyay jabhada uga soo qaaday stoodhkii hubka ee ciidanka dawladu uu lahaa.

Kornelka waxan ku xasuustaa geesinimadiisii, dhiirigalintii iyo qudbadii uu noojeediyay maalinkii noogu horaysay oo aad ii soo jiidatay waayo waxaan ku sugnayn goob dagaal waxana jiray colaad. Waxaanu aad ugu dheeraaday anshaxa nidaamka iyo kaladanbaynta looga baahanyahay askagiga furinta jooga. Waxa uu xusay sida ay muhiim utahay in uu askariga ama jabhadku u foojignaado goobta dagaalka isaga oo ku maah maahay Dhididkaaga oo bata goobta tababarka waxa uu baajiyaa dhiigaaga oo baxa goobta dagaalka.”.

Waxakale oo uu kafaalooday ilaalinta gaadiidka iyo hubka taliska isga oo tilmaamay qodobada milatariga uga yaala askariga dirawalka ka ah gaadiid iyo ridahaqoryaha  saran Hadii uu cadawga ugacan galo ciqaabta ay mudanyihiin haday dayacaan. Taasi oo ah dil toogasho.

Inkastoo Cornel Siciid uu mudo yar oo laba bilood ah joogay aaga ama furinta oo uu hogaaminayay Jabhada Buuralayda Iyo Bada  Cas JBBC.

Hadana waxaxusid mudan in  laba dagaal  ay dheceen kuwaasi oo habkii uu noo hogaamiyay Coll Siciid aanu guulofiican ka soo hooynay oo aan ka gacan saraynay SNM ta oo markaa buuralayda Woqooyiga Hargaysa soogashay una soo gudubtay dhanka gobolka Awdal.
Sababta ugu weyney ee uu Jabhadii u sii hogaaminwaayay waxa ay ahay kadib mar uu kusoo maqnaa dhinaca magaalada Borama ayaa gaadhi uu qorisaarnaa laga qabsaday Jabhada kadib shidaalkii kujiray oo laba kamid ah jabhadu ka shubeen una iib geeyeen beeralayda qabri baxar, oo u isticmaali jiray in ay mishiinada biyaha laguwaraabinayo u isticmaalaan.
Kadibna weerar kadis ah oo ay sooqaadeen SNM tu ayaa lagu qabsaday gaadhigii markuu dhaqaaqiwaayay. Khasaarahaasi oo aad utaabtay Jabhada Siciid Osman amar ayuu bixiyay in latoogto labadaasi nine ee dayacay .Haseyeeshee Odayaashii Maxamed Case oo ay markaa noolaayeen Suldaan Cali Cilmi iyo Suldaan Shidebadmaax ayaa diiday oo usheegay siciid in maadaama dagaaal inagusocdo rag aynu dilno suurtogal ahayn arintaasi oo uu ka xanaaqay kornelku kadibna goaan uu ka gaadhay in aanu dib u hogaamin JABHADA. Waxaana markaa kadib yimid Cornel Sheikh Osmaan iyo Jaamac Dhegjer oo iyagu afartiisano ee uu dagaalku socday hogaaminayay Jabhada
BY MOHAMED AADAN IBRAAHIN



25 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines