Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Daawo Ciidamada Guutada Lixaad Ee Degmada Baraawe Oo 48 Saac U Qabtay Farmaajo iyo Kheyre.

sawir
Sun 24 March 2019.

Waxaa sii kordhaya ciidamada xooga dalka ee ku sugan gobolada dalka qaarkood oo cabasho ka muujinaya mushaar la’aan iyo garaam la’aan heysata Afartii bilood ee lasoo dhaafay.

Guutada Lixaad ee ciidamada xooga dalka oo ku sugan degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay in muddo Afar bilood ah aysan helin xuquuqdii ay lahaayeen, taasi oo dhalisay inay maanta cabasho ay muujiyaan.

Saraakiisha ciidamadan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in muddo 48 saac ah u qabanayaan madaxda ugu sareyso dalka inay kaga jawaabaan cabashada ay muujinayaan, haddii aan laga jawaabina ay ka bixi doonaan degmada Baraawe oo muddo shan sano ah ay ku sugnaayeen.



24 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines