Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Xisbiga Mucaaridka Ucid ayaa Jagadii gudoomiye ku xigeenkii kowaad ee Xisbiga u Magacaabey Pro.Sir Qaasim Sheekh Ibraahim u Tubeec oo ka soo jeeda gobolka Awdal .

sawir
Sat 23 March 2019.

Boorama ( Awdalmedia.com)  Xisbiga Mucaaridka Ucid ayaa Jagadii gudoomiye ku xigeenkii kowaad Xisbigaasi u magacaabey pro.  Qaasim Sheekh Ibraahim Tubeec ka dib uu markii uu jagadaasi baneeyey gudoomiye ku xigeenkii hore ee xsibgaasi Cabdirnaasir Buuni markii uu khilaaf xoogani soo kala dhexgaley masuuliyiinta Ucid iyo gudoomiye ku xigeenkii hore .

Hadaba Masuulkan ku soo biirey xisbiga Ucid Pro.Qaasim Sheekh Ibraahim tubeec oo ka tirsanaa hogaanka hore ee xisbiga mucaaridka wadani ee Soomaaliland ayaa dhawaan sheegey in uu iska casiley xilkii iyo xubinimadii xisbiga mucaaridka wadani kuna biirey xisbiga mucaaridka Ucid ,

Munaasbad kooban oo caawa lagu qabtey hotelka rays ayaa xisbiga ucid ku soo dhaweynayey masuulkan cusub ee ku soo biirey xisbiga Mucaaridka Ucid.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ucid Eng Faysal Cali waraabe ayaa gudoomiye ku xigeenka u magacaabey Qaasim Sheekh IbraahimTubeec.

 

 



19 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines