Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Wasiir Pompeo: "Trump Allee ayaa Usoo Diray Inuu Israa'iil ka Badbaadiyo Iran.

sawir
Sat 23 March 2019.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompe ayaa sheegay "iney suuragal tahay" Madaxweyne Trump inuu madaxweyne ka noqdo Mareykanka uu ilaahey ugu tala galay inuu Israa'iil kaga badbaadiyo Iiraan.

Pompeo oo wareysi la yeeshay shabakadda Christian Broadcasting xilli uu booqasha ku marayo Israa'iil ayaa sheegay inuu diinta uu aaminsan yahay ay ka keentay inuu sidaasi aamino.

Sidoo kale waxa uu bogaadiyey dadaalka Mareykanka uu ugu jiro sidi waddamada bariga dhexe dimuqradiyad looga meel marin lahaaa si ay u sii jirto dowladda Yahuudda.

Hadalka Pompeo ayaa imanayaa xilli ay yahuudda u dabbaaldagayaan xuska dadka yahuudda ee gumaadka laga soo badbaadiyey.

Dabbal degga looga magac daray Purim, ayaa sanad walba lagu xusaa dadka yahuudda ee ay boqoradda Esther ka soo badbaadisay Faarisiinta.

Mr Pompeo ma aha mas'uulki ugu horreeyey oo ka tirsan maamulka Trump oo hadal noocaasi ku hadla. Bishi January xoghayaha arrimaha saxaafadda aqalka cad Sara Sanders waxay warbaahinta dad kirishtaanka leeyihiin u sheegtay "inuu ilaahey doonay inuu Trump uu madaxweyne noqdo".

Sikastaba ha ahaatee Tani iyo inta uu Trump uu madaxweyne ka noqday Mareykanka waxaa sii xumaanayey xiriirka Mareyknaka iyo Iiraan u dhaxeeya iyada oo awlaba uu wanaagsaneyn.

Madaxweyne Trump ayaa jimcahii cunaqabateyn saaray 14 qof oo Iiraan ka soo jeeda iyo 17 hay'adood oo xiriir la leh barnaamijka Niyuukilarka iiraan.



24 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines