Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Dowladda Somaliya Oo Deg Deg Ugu Yeertay Safiirkii Geneva.(Akhriso)

sawir
Sat 23 March 2019.

Warqad kasoo baxday Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu amray in mudo isbuuc xarunta Wasaarada  ku timaado Danjire Faadumo C/llaahi Maxamuud (Insaaniya) oo ah Safiirka Soomaaliya ee Geneva iyo Xarunta Qaramada Midoobey Ee xuquuqul Insaanka.

Sida aan Wararka ku helnay u yeerida safiirada ayaa salka ku heysa kadib markii ay si lama filaan ah uga aamustay go’aankii Madaxweynaha Mareykanka looga soo horjeeday ee ahaa inay Israa’iil leedahay Buuraha Golan Heights.

Dowlada Soomaaliya ayaa kamid noqotay shan dal oo ka aamusay codeynta cambaareynta go’aanka Maraykanka, waxaana go’aanka dowlada amakaag iyo lama filaan ku noqotay Wadamada Islaamka.

Halkan ka Akhriso Qoraalka loogu yeeray Danjire Faadumo:



25 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines