Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Heshiiskii Lala Galay Kooxda KHAATUMO Oo Qarka U Saaran Inuu Bur-buro,Iyo Xukuumada Madaxweyne Muuse Oo Ka Gaabsatay Fulintiisa,+Qaylo Dhaanta Cali Khaliif

sawir
Sat 23 March 2019.

Hogaamiyaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh Oo Ku Sagan Magaalada Hargeisa Ee Caasimada Somaliland,Ayaa Sheegay In Heshiiskii U Dhexeeyey Khaatumo Iyo Dawlada Somaliland Aanay Waxba Ka Hirgelin,Isagoona Eeda Dusha U Saaray Xukuumada Haatan Talada Dalka Haysa Ee Uu Hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,

 

Siyaasi Cali Khaliif Galaydh Oo Mudooyinkii U Danbeeyey Ku Hawlana Dadaalo Lagu Qabyo Tiraayo Heshiiskii Uu La Galay Xukuumadii Hore,Ayaa Noqday Hal-bacaad Lagu Lisay Kadib Markii Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Ka Dhego,Adaygtay

 

Siyaasi Cali Khaliif Oo Arintaasi Wax Laga Weydiiyey Ayaa Ku Jawaabay""Halkan waxaan ku hayaa heshiiskii Axmed Siilaanyo nala galay oo isla KULMIYE ah, bal haddaba yaa loo raacaya ee fulinaaya "

Heshiiskan Ayaan Hadii Aan La Dhamaystirin Keeni Kara In Cali Khaliif Dib Uga Noqdo Heshiiskii Uu La Galay Dawladii Hore,Waxaanay Taasi Wiiqaysa Dadaaladii Nabadeed Ee Laga Wadey Deegaanada Hoos Taga Gobolka Sool,

Waxaanay Dadweynuhu Is weydiinayaan Sababta Ilaayo Hada Aan Loo Fulin Heshiiskii Dhexmaray Dawlada Somaliland,Iyo Kooxdii Khaatumo Ee Uu Horkacaayey Prof Cali Khaliif Galaydh



25 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines