Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Ciidamada Gadoodsan Oo Sharuudo Hor-dhigay Warqadihii Farmaajo U Diray.

awdalmedia
Wed 20 March 2019.

Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada xooga ee tagay degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa kahadlay waxyaabaha qasbay inay kasoo baxaan saldhigyada ay ku lahaayeen Shabeelaha Dhexe.

Saraakiisha oo warbaahinta kula hadlay degmada Balcad ayaa sheegay in gadoodkooda uu ka dambeeyay kadib markii warbaahinta ay ka maqleen in dowladda Soomaaliya ay si sax ay u bixisay dhamaan mushaaraadka ciidamada dowladda.

Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada hogaamineyso ayaa degmada Balcad kula kulmay wafdi ka socdo dowladda Soomaaliya kuwaasi oo gaaray gelinkii dambe ee maanta.

Afar arin ayay u bandhigeen waftiga gaaray degmada Balcad waxayna sheegeen inay kasoo baxeen saldhigyada ay ku sugnaayeen ee ku yaala Shabeelaha Dhexe, kadib markii ay waayeen lacagihii ay xaqa u lahaayeen.

Sidoo kale ciidamada ayaa sheegay inaysan helin raashiinka ay xaqa u lahaayeen afartii bil ee laso dhaafay, waxaana qodobada ay soo bandhigeen saraakiisha ciidamada hogaaminaya kamid ah:-

1- Mushaar, raashin iyo Iidaan ayaa naga maaan 4 bil, walina ma dhicin In raashin ay waayaaan ciidanka.
2- Daryeel xumo iyo dalacsiin la’aan muddo sanado ah
3- Waa bixinay mushaar oo dowladdii ay leedahay
4- Markaan ka hadalno Waxaa nala leeyahay siyaasad ayaa idinka soo ureysa.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya ciidamo dhawaan kasoo baxay saldhiga deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo iyagana sheegay inaysan helin mushaaraadkoodii.



23 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines