Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Dawladda Australia Oo Si Weyn Uga Cadhootay Hanjabaad Uga Timid Madaxweynaha Turkiga.

sawir
Wed 20 March 2019.

Dowlada Australia ayaa ka codsatay Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan inuu raali-gelin ka bixiyo hadalo adag oo ka dhan ah shacabka Australia, sida uu sheegay Raysalwasaaraha Australia Scott Morrison maanta oo Arbaca ah.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo xiligan ku jira ololaha doorashada ayaa maalmahan si adag uga hadlayey weerarkii Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay labo masjid oo ku yaal magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Khudbad uu dhawaan jeediyey Erdogan ayuu ku sheegay in “..Cunsuriyiinta Australia u dhashay lagu guri doono naxash (La dili doono) si lamid ah xasuuqii loo geystay ciidamadii Australia ee la dagaalamay Khilaafadii Cismaaniyiinta (dagaalkii 1aad ee Dunnida) ee ka dhacay Gallipoli.

Xiligii uu socday dagaalkii kowaad ee dunnida ayey ciidamo gaaraya 8000 askari dowlada Australia uga dhinteen dagaal adag oo ay la galeen ciidamadii Turkida ee Cismaaniyiinta, dagaalkaasi oo ka dhacay deegaanka Gallipoli, taariikhdaasi oo ah mid si weyn looga xuso Australia.

Erdogan ayaa si gaar ah cambaareynta ulla beegsaday Australia maadaama ninkii geystay xasuuqii ka dhacay masaajidada New Zealand uu ahaa cunsuri cadaan ah oo kasoo jeeda dalka Australia.

Dowlada New Zealand ayaa sidoo kale cambaareysay in Erdogan uu filimkii laga duubay xasuuqii masaajidada uu kusoo bandhigay ololihiisa doorashada, wafdi uu hogaaminayo Raysalwasaare kuxigeenka New Zealand ayaa lagu wadaa inay arrintan darteed safar ugu baxaan dalkaasi Turkiga.

Dadkii ku dhaawacmay weerarkii New Zealand ayey ku jireen sadex qof oo u dhashay dalka Turkiga.

Macada Erdogan inuu raali gelin siin doono dowlada Australia oo sheegtay inay ka fiirsan doonto in ay shacabkeeda uga digto inay dalxiis u tagaan dalka Turkiga.

Dhinaca kale Madaxweyne Erdogan ayaa maqaal uu ku daabacay jariirada Washington Post ee kasoo baxda dalka Maraykanka ugu baaqay hogaamiyayaasha dalalka reer Galbeedka inay ka hortagaan falalka muslim naceybka ah iyo Cunsuriyiinta ee kusii fidaya wadamadooda.



22 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines