Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Imaaraadka Oo Ka Mustaafuriyay Dalkiisa Nin U Dabaal-degay Muslimiintii Lagu Xasuuqay New Zealand.

sawir
Wed 20 March 2019.

Nin u shaqeynaye Shirkadda Transguard ee dalka Imaaraadka ayaa shaqadii laga ruqseeyey, kadibna laga mustaafuriyey dalkaasi sababo la xidhiidha isagoo u dabaal-degay dadkii Muslimiinta ee Jimcihii la soo dhaafay lagu xasuuqay 2 masaajid oo ku yaalla magaalladda Christchurch ee dalka New Zealand.

Ninkaasi oo aan magaciisa iyo dalka loo mustaafuriyey aan la shaacinin ayaa la sheegay inuu bartiisa Facebook-ga ku qoray hadalo uu taageero ugu muujiyey Gacan-ku-dhiiglihii dilka geystay, una dabaal-degay Muslimiinta lagu laayey Toogashadaasi.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay bixisay Amarka lagu mustaafuriyey Ninkaasi.



11 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines