Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Trump Oo Ku Dhawaaqay Inuu Lacagaha Kaalmada Uu ka Jarayo Kenya Iyo Amisom.

sawir
Thu 14 March 2019.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Trump ayaa ku dhawaaqay in uu ka jarayo miisaaniyadda dalkiisa lacago kaalmo ah oo ku jiray.

Dhimista deeqahan ayaa waxaa ka mid ah in sannadka 2020 laga jaro lacagta uu Maraykanku siiyo ciidamada AMISOM 65%, halka dawlada Kenyana uu gabi ahaanba ka jaray lacag dhan 102 milyan oo uu ku kaalmayn jiray, ladagaalnaka cudurka AIDSka iyo kaabayaasha horumarinta.

Trump ayaa ujeedada jarista lacagtan ku micneeyey in ay haboontahay in dadka kaalmada ku nooli isku tashadaan si ay horumar u gaadhaan.

Amisom ayaa Maraykanka ka heli jirtay lacag dhan 254 milyan, waxaana hadda la siinayaa 89.8 milayan, halka sanadka ku xigana gabi ahaanba la jari doono.

Midawga Yurub ayaa horay u dhimay dhaqaalaha uu siiyo AMISOM, iyadda oo wadamada ay ka joogaan ciidamada AMISOM-na ku hanjabayaan in ay ka baxayaan dalka hadii ciidanka hadda joogo la dhimo.



7 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines