Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Kenya Oo Beenisay Warar Laga Baahiyey Wasiir Gaadiidka Somaliya, Oomaar.

sawir
Thu 14 March 2019.

Wasaaradda gaadiidka kenya ayaa shaacisay inuusan wasiirka duulista hawada ee Somalia, Maxamed C/llaahi Salaad “Oomaar” uusan wax door ah ku lahayn qandaraaska loogu tartamayey wakiilka guud ee iibinta ee xafiiska shirkadda diyaaradaha Kenya Aiweys u jooga dalka Somalia.

Shirkadda Kenya Airways waxay bishii November ee sannadkii hore soo bandhigtay qandaraas ay kaga codsatay ciddii danaynaysa inay u tartami karaan jagada wakiilka guud ee iibinta ee shirkadda ee gudaha xuduudka Somalia.

Si kastaba, waxaa dhowaan soo baxay warar lagu sheegay in Oomaar uu kaalin ku lahaa islamarkaana qandaraaska uu siiyey dad ku dhow.

Hase yeeshee, sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda gaadiidka ee Kenya ayaa sheegay inay Kenya Airways iyo saraakiisha iyo wasaaradiisa ahaayeen kuwii go’aanka ka gaaray xulashadda qofka madaxda ka noqonaya xafiiska iibinta Kenya Airways ee suuqa cusub ee Somalia.

Codsiga ogeysiiska ee qandaraaskaasi  ayaa ku beegnayd isla bishii ay shirkadda Kenya Airways bilowday duullimaadka tooska ee garoonka caalamiga ee Jomo Kenyatta ee Nairobi iyo garoonka caalamiga ee Aadan Cadde ee Muqdisho.

Agaasimaha fulinta ee Kenya Airways, Sebastayn Mikoz ayaa sheegay in khadka cusub ee Muqdisho qeyb ka yahay qorshaha ay ku doonayaan inay ku kordhiyaan duullimaadyadda Kenya Airways, wuxuuna hoosta ka xariiqay in muhiimadda la siinayo macaamiisha shirkadda ee isugu jira maalgashadayaasha, ganacsatadda iyo dalxiisayaasha ee ka shaqeysta ama maalgashada Somalia.

Diyaaradaha shirkadda Kenya Airways waxay maalin kasta duullimaad aan joogsi lahayn isaga kala gooshtaa garoomkadda calaamiga ee magaallooyinka Nairobi iyo Muqdisho

Si kastaba ha ahaatee, duullimaadkaasi waxa uu ballaariyey ganacsigii Kenya ee Somalia oo haatan gaaray 974.5 million oo dollar, iyadoo badeecaddaha Kenya u soo dhoofiyaan Somalia uu kordhay 33.5% tan iyo bilowgii sannadkan 2019-ka.



10 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines