Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland Oo Gaadhigiisii kula Rogmaday Degmada Balli-mataan.

sawir
Thu 14 March 2019.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa gaadhigiisa kula qalibmay duleedka degmadda Bali-mataan ee gobolka Hawd.

Wasiirka iyo xubnihii la socday way ka badbaadeen, cidina waxba kuma noqo marka laga reebo gaadhigiisii oo burbur weyni soo gaadhay oo halkii lagaga yimid.

Wasiirka hawlaha guud ayaa ku sii jeeday magaalada Balligubadle kana yimid gobolka Togdheer, waxaanay wararku sheegayaan in uu wasiirku shaqadiisii sii watay oo uu hawlihii uu socday uu hadda ku gudda jiro.

Wasiirki Qambi ayaa muddaba ku jiray tiro koobka hantidda dawladda, waxaanu soo wada maray dhamaan gobolada iyo degmooyinka, imika waxa uu ku socday magaalo madaxda gobolka Hawd ee Balligubadle oo koonfur kaga beegan magaaladda Hargeysa.



6 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines