Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobey Oo Magacaabay Ergeyga Gaarka ah Ee Geeska Afrika.

sawir
Thu 14 March 2019.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa magacaabay Ergey cusub oo u qaabilsan Geeska Afrika, kaasoo ah khabiir shaqooyin badan ka soo qabtay Qaramada Midoobey.

Parfait Onanga-Anyanga oo u dhashay Gabon ayaa noqonaya Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Afrika, waxaana uu horay u soo noqday Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Bartamaha Afrika.

Ergeygan cusub ee loo soo magacaabay Geeska Afrika ayaa howshiisa ugu badan noqonaya arrimaha Gobolka iyo caqabadaha ka jira xilligan.

Qaramada Midoobey ayaa illaa iyo hadda wax Wakiil ah u soo magacaabin Soomaaliya, tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay horaantii sanadkan ka eriday dalka Nicholas Haysom.

Gobolka Geeska Afrika ayaa xilligan loo arkaa meel muhiim ah oo dalal badan ku loolamayaan marka loo eego Istiraatiijiyad ahaan, waxaana uu xafiiskan cusub ku soo aadayaa iyadoo wadamo badan ku loolamayaan gobolka, sida Mareykanka, Shiinaha, Khaliijka iyo Turkiga.



7 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines