Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Oo ku Baaqday Dagaal ka Dhan ah Al-shabaab.

sawir
Thu 14 March 2019.

 Kaddib qaraxyo dad badan ay ku dhinteen oo maalintii shalay ka dhacay deegaanka Goofguduud ee gobolka Baay ayuu maamulka Koonfur Galbeed ku baaqay dagaal ka dhan ah xarrakada Al-shabaab.

Madaxweynaha maamulka Cabdicasiis Lafta-Gareen ayaa sheegay haddii aysan bulshada Koonfur Galbeed meel uga soo wada jeesan dagaalka ka dhanka Al-shabaab geysan doonaan dhibaato intan ka badan.

Wuxuu ku baaqay in shacabka ku dhaqan deegaanka Koonfur Galbeed meel uga soo wada jeestaan dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-shabaab si looga hortago khasaare danbe oo ay u geystaan sida uu hadalka u dhigay Shacabka.

Maamulka Koonfur Galbeed ayuu sheegay in ay sameyn doonaan qorsho amni oo lagu wajahayo Al-Shabaab,waxaana uu ka dalbaday Shacabka inay ciidamada kala taageeraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Qaraxyadii shalay ka dhacay Suuq lagu iibiyo xoolaha deegaanka Goofguduud waxaa ku nafwaayay in la ogyahay Shan ruux halka 40 kalana ay ku dhaawacmeen.



20 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines