Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Mareykanka Oo ku Biiray Dalal Mamnuucay Isticmaaalka Diyaarada Boeing 737 MAX.

sawir
Thu 14 March 2019.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqay in Mareykanku ku biiray dalalka mamnuucay isticmaalka diyaarada Boeing 737 MAX, kaddib burburkii diyaaradii Ethiopian Airlines oo ay ku dhinteen 157 ruux.

"Waxaan dooneynaa in aan soo saarno amar deg deg ah oo lagu mamnuucayo dhamaan duulimaadka diyaaradaha 737 MAX 8 iyo 737 MAX9," ayuu lagu sheegay qoraal Trump ka soo saaray Aqalka cad ee looga arimiyo dalka Mareykanka.

Wuxuu sheegay madaxweynaha dalka Mareykanka Trump in arintan ay quseyso nabad-galyada dadka Mareykanka oo ka qabaan walwal gaar ah marka ay timaado isticmaalka diyaaradaha shirkaddan ay farsameyso.

Wadamo ku yaala Qaarrada Yurub, Shiinaha iyo waliba dalal kale oo ay Canada ka mid tahay ayaa horay u joojiyay isticmaalka diyaaradahan, waxaa ay shirkadda Boeing ayaa ku dhowaaqday in ay dhulka dejineyso dhammaan diyaaradaha noocoodu yahay Boeing 737 MAX oo gaaraya 371 illaa amar dambe.



18 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines