Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Faahfaahinta Dagaal Khasaare Geestay Oo Saakay ka Dhacay Gaalkacyo.

sawir
Wed 13 March 2019.

axaa saakay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ay maamusho Puntland ka dhacay dagaal u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa ka dhacay agagaarka Xasbiga weyn ee Waqooyiga Gaalkacyo , wararka aan heleyno ayaana sheegaya in dagaalka ka dhashay dhul ay isku qabsadeen dad ay kala taageerayaan labada maleeshiyo beeleed .

Inta la xaqiijiyay dagaalkan ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo waxaa ku dhintay labo ruux halka ay ku dhaawacmeen 5-ruux oo kale, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha inta hada la ogyahay uu kasii bato.

Masuuliyiin iyo saraakiil katirsan maamulka Puntland ayaa wada dadaalo lagu qaboojinayo dagaalka dhacay, waxaana wali is hor fadhiya sida aan wararka ku helnay labada maleeshiyo beeleed ee dagaalamay.



24 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines