Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Madaxwayne Uhuru Kenyatta Oo Markii Ugu Horeysay ka Hadlay Khilaafka siyaasadeed Ee Somalia iyo Kenya.

sawir
Thu 21 February 2019.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisada diblumaasiyadeed ee dalkiisa kala dhexeeya Soomaaliya, kaasoo sababay in Safiirada labada dal ay caasimadahooda dib ugu kala  laabtaan.

Uhuru Kenyatta oo galabta guddoominayay shirka Golaha Wasiirada Kenya ayaa sheegay inuu Guddi u saaray khilaafka kala dhexeeya Soomaaliya, kuwaasoo soo baari doona halka ay iskala qaadeen labada dal iyo sida ay tahay in loo wajaho.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Golihiisa Wasiirada ayaa isku raacay in la sameeyo Guddi farsamo oo ka socda dalka Kenya, kuwaasoo shaqadooda ay noqoneyso sidii ay xal wadahadal ah ugu dhameyn lahaayeen khilaafka diblumaasiyadeed ee kala dhexeeya Xukuumada Soomaaliya.

Si kastaba dowlada Kenya ayaa 16-kii bishan, dib ugu yeertay safiirkeedii dalka Soomaaliya iyadoo sidoo kale ku amartay safiirka dowlada Soomaaliya uga wakiilka ah dalka Kenya inuu ka baxo dalka Kenya.

Kenya waxey ku sheegtay sababtaas iney tahay mid la xiriirto, iyadoo aaminsan in dowlada Soomaaliya ay ku dartay xaraashkii ay ku sameysay shidaalka iyo gaaska Soomaaliya deegaano ka mid ah dalka Kenya, taasoo ay dowladda Soomaaliya waxba kama jiraan ku tilmaamtay.



26 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines