Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Qarax Miino Oo Gaystay Khasaaro Nafeed Oo ka Dhacay Wadada Isku-xidha Jowhar iyo Balcad.

sawir
Tue 19 February 2019.


Darawal iyo kaaliyihiisii ayaa ku geeriyootay kadib markii gaari ay wateen uu dulmaray miino lagu aasay wadada meel u dhexeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.

Gaariga miinada dul maray oo noociisu ahaa N3 ayaa ka tegey magaalada Jowhar isagoo ku sii jeeday magaalada Muqdisho, waxana ay miinada kula qaraxday deegaanka Ceelka-Geelow oo u dhexeeya degmada Jowhar iyo Balcad.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in goobta miinada lagu aasay ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab kuwaasoo doonayay in ay weerar gaadmo ah ku qaadaan kolonyo ciidamo ka tirsan AMISOM oo marayay wadada.

Meydka labada ruux  ayaa la sheegay inay dagaalamayaal ka tirsan AL-shabaab u soo dhiibteen gaadiid kale oo wadada marayay iyadoo gelinkii dambe ee maanta lagu aasay qubuuro ku yaal duleedka magaalada Jowhar.

Wadada u dhexeysa  Jowhar iyo Balcad ayaa waxaa mararka qaar gala dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab iyagoo weeraro ka geysta halka sidoo kale ay ku aasaan miinooyin qasaare geysta.

Sanadkii aynu ka soo gudubnay ayaa sidan oo kale wadada u dhexeysa Jowhar iyo Balcad waxaa ay miino kula kacday baabuur nooca xamuulka qaada ah kaasoo ay ku dhinteen darawal iyo kaaliyihiisii.



42 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines