Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Baarlamaanka Kenya Oo U Yeeray Wasiirkooda Arrimaha Dibadda Oo Muqdisho ku soo Wajahneyd.

sawir
Tue 19 February 2019.

Warbaahinta gudaha dalka Kenya ayaa saaka qoreysa in dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen in xaalada la dejiyo, khilaafka taaganna si hoose lagu dhameeyo, si looga arinsado wixii dhacay todobaadkan.

Wararku waxa ay sidoo kale sheegayaan in Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Munica Juma ay qorsheyneyso iney soo gaarta magaalada Muqdisho, si ay xaalada ugala hadasho madaxda ugu sareysa ee dowladda Soomalaiya.

Munica Juma oo ka soo laabatay shirkii Amaanka ee ka dhacay Dalka Germany, ayaa qorsheheda ahaa iney maanta soo gaarto Caasimada dalka, balse waxaa arintaas ka hor istaagay baarlamaanka dalka Kenya.

Xildhibaanada baarlamaanka ee dalka Kenya oo ay Haweeneydan maanta hortageyso, ayaa la filayaa iney warbixin dhameystiran ka siiso xaalada guud ee ku xeeran khilaafka labada dal ee salka ku haya shirka 7-dii bishan ka dhacay magaalada London ee shidaalka Soomaaliya.

Katoo Metito oo ah Gudoomiyaha Guddiga difaaca iyo arrimaha dibadda baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Wasiirada ay doonayaan in ay wax ka weydiiyaan khilaafka dibolamaasiyadeed ee sii xumaanaya una dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, sidoo kalena laga dhageysnayo bal halka ay salka ku heyso xiisada taagan.

Xoghayaha joogatada ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau ayaa dhankiisa sheegay inuu daqiiqad kasta Munica Juma siinayay hadba wixii soo kordha, talaabooyinka ay qaadeenna ay ahaayeen kuwo ay la socotay.

Si kastaba Xukuumadda Soomaaliya ayaa iyada baarlamaanka u soo bandhigin hadba xasaradaha kala dhexeeya dalalka Caalamka, iyadoo isku koobta sidii ay kaligeed uga baxsan leheyd, baarlamaankana ma u bisla inuu Xukuumadda ku cadaadiyo iney xaalada taagan latashiyo kala sameeyaan, inkastoo baarlamaanku xiligan fasax ku maqan yahay.



16 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines