Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Shirkadda Spectrum oo War kasoo saartay Cabashada Kenya iyo Sahanka Shidaalka Somalia.

sawir
Tue 19 February 2019.

Shirkada Sahmisay shidaalka Soomaaliya ee Spectrum ayaa war kasoo saartay cabashada kasoo yeertay dowlada Kenya ee ku aadan in shirkii London lagu iib geeyay Xirmooyin kamid ah shidaalka Soomaaliya .

Warka kasoo baxay shirkada Spectrum ayaa lagu sheegay in aan marnaba lagu xaraashin xirmooyin la sahmiyay ee shidaalka Soomaaliya, waxa ayna shirkada sheegtay in kaliya lasoo bandhigay xogta shidaalka Soomaaliya.

Waxa ay shirkada Spectrum sheegtay dhulka xogtiisa lagu soo bandhigay shidaalka Soomaaliya uu yahay dhul ay Soomaaliya leedahay balse aysan ku jirin dhul badeedka ay ku muran san yihiin Soomaaliya iyo Kenya.

Shirkada Spectrum ayaa soo bandhigtay qariidada ama mapka muujinaya dhul badeedka sahanka laga sameeyay, waxa ayna shirkada cadeysay in aysan sahanka ku jirin dhul badeedka lagu muran san yahay.

Shirkadda Spectrum oo War kasoo saartay Cabashada Kenya iyo Sahanka Shidaalka Somalia

 

 



21 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines