Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Haweenay Xoog U Dhaliili Jirtay Booliiska Kenya Oo Maydkeedii la Helay.


sawir
Tue 12 February 2019.

Waxa la helay maydka haweenay u dhaqdhaqaaqi jirtay xuquuqda aadanaha oo la waayay tan iyo arbacadii la soo dhaafay, sida uu sheegay afhayeenka booliska Kenya Charles Owino, waxna auu intan daba dhigay in maydka gabadhan laga helay xaafada Mortuary ee magaalada Nairobi


Haweenaydan oo lagu magacaabi jiray Caroline Mwatha iyo koox ay la shaqaynaysay ayaa waxa ay caan ku ahaayeen dhaliilaha ay u jeediyaan booliska , waxan intii dambe ay indhaha ku hayeen xadgudubto la sheegay inay booliska caasimada Nairobi u gaystaan dadka, tacadiyadaas oo ay ka mid yihiin dilal aan sharci ahayn.


Qaraabada gabadhan maydkeeda la helay ayaa tan iyo markii la waayay ka baadi goobayay cisbitaalada iyo goobo kale iyaga oo ku rajo waynaa in ay helaan iyada oo nool, balse rajadaas maanta ayay soo afjarantay.



9 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines