Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Puntland Oo Gacanta ku Dhignay koox Dooneysay Inay ku Biirto Daacish.

sawir
Tue 12 February 2019.

Ciidanka amniga Puntland ee (PSF) , ayaa howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen deegaanno dhaca Koofurta magaalada Boosaaso waxaa lagu soo qabtay rag dhallinyaro oo la sheegay inay doonayeen inay ku biiran Daacishta ku sugan buuraha Cal-miskaat.

"Waxay hawlgal ka sameeyeen Buuraleyda iyo Toggaga Gaaca, Guban iyo Moqor ee Koonfurta Bari ee magaalada Boosaaso, Intii Howlgalkani socday waxay ciidanka PSF soo qabteen xubno doonayey in ay ku biiraan ururka argagixisada Daacish ee ka dagaalanta Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari iyo Saad la doonayey in loo gudbiyo kooxdaas". ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay bogga Facebook ee ciidanka PSF.

Ciidamadda amniga Puntland ma soo bandhigin tirada ragga ay sheegeen iney soo qabteen iyo haddii ay jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay intii uu socday howlgalka lagu soo qabnayay.

Ciidanka ayaa sidoo kale ku wargeliyay dadka ku nool deegaannada inay ciidanka u soo sheegaan wixii xog iyo macluumaad ku aaddan dagaalyahannada ku dhuumaaleysanaya deegaannadaas.

Dhulka buuralayda ah ee ku dhow magaalada ugu weyn ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayaa waxaa ku sugan dagaalyahanno ka tirsan al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo weerarro ka fuliya magaalada Boosaaso.



25 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines