Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Uganda oo ku kulmay Addis Ababa


sawir
Tue 12 February 2019.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni ayaa ku kulmay magaalada Addis Ababa, halkaasoo labada Madaxweyne uga qeyb galeen shir madaxeedka Midowga Afrika ee shalay la soo gabagabeeyay.

Madaxweyne Museveni ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa Twitterka ku sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo ay ka wada hadleen sare u qaadista xiriirka labada dal, sidii loo adkeen lahaa iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen ammaanka, xiriirka iyo waxbarashada.

Kulankan ayaa ka mid ahaa kulamo ay si gaar gaar isugu arkayeen Madaxda Afrikaanka ee ka qeyb galay shir madaxeedka 32aad ee Midowga Afrika.

Inkastoo aan Madaxtooyada Soomaaliya faah faahin ka bixin kulankan, hadana waxaa jiray war saxaafadeed iyo sawirro Madaxtooyada faafisay oo ahaa kulamo Madaxweyne Farmaajo la qaatay Madaxda dalalka Sudan, Jabuuti, Itoobiya, Koofur Afrika iyo Equatorial Guinea.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan ka carootay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, kaasoo uu ku sheegay in Soomaaliya ka mid tahay dalalka aan laheyn dowlad.

Uganda ayaa ah dalkii u horeeyay ee Ciidamo u soo diray Soomaaliya sanadkii 2007-dii, xilligaasoo uu bilowday howlgalka AMISOM, waa dalka ugu badan ee Ciidamo ka jooga Soomaaliya ee howlgalka AMISOM. 

 

 



9 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines