Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Warqad Furan: Qurbojoog Ka Dayriyay Xaalada Degaanka Gargaara Bari Iyo Habdhaqanka Badhasaabka Awdal.

sawir
Sun 10 February 2019.

Warqadan Furan ee ay Qorbajooga Gobollada Awdal, Gabilay iyo Sala lee ku dhaqan Waqooyiga Maraykanku kaga dareen celinayaan xaalada ka taagan degaanka Gargaara-bari iyo habdhaqanka Badhasaabka gobolka Awdal ayaa ku noqol ka mid ah oo ku qornaa Afka Ingiriisiga oo soo gaadhay shabakada heemaalnews ayaa waxa cinwaan looga dhigay cida ay khusayso, waxana lagu socosiiyay.

Badhasaabka Gobolka Awdal,

Wasaarada Arimaha Gudaha ee Somaliland,

Xafiiska Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland, 

Xafiiska Madaxwaynaha Somaliland,

Xafiiska Hayada Xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International ay ku leedahay magaalada Washingnton DC, ee dalka Maraykanka iyo

Xafiiska hayada Qaramada Midoobay u qaabilsan Ilaalinta Xuquuqda Aadamaha ee Magaalada Geneva ee dalka Switzerland,

waxana uu nuxurkeedu ahaa sidan:

Qurbajoogta gobollada Awdal, Gabilay iyo Selel ee Somaliland ee ku nool Waqooyiga Ameerika Waxa ay ka walaacsan yihiin xaalada noleed ee sii xumaanaysa ee degaanka Gargaara Bari waqti ay Wasaarada Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland ee ay khusaysay faraha ka laabatay, marka laga reebo xayiraad uu maamulku ku sooragay dadka degaanka ee Bariga Gargaara.

Muuqaalo ay Telefishanada Borama baahiyeen 2019-01-28 ayaa muujiyay arin laga xumaado oo kaf iyo meelka dhac ah oo madal ay joogaan masuuliyiin ka socota dawlada uu Guddoomiyaha gobolka Awdal Mr. Cabdiraxmaan Axmed Cali oo hanjabaad u jeedinaya dadka degaankaas isaga oo ku hanjabay laba qodob oo kala ah 1. In uu ciidanka booliska u dirayo cidwalba oo degaankaas iyo dadka saboolka ah ee Bariga Gargaara wax u qabanaysa, iyo 2. In ay suurtagal tahay in ay awood ciidan isticmaalaan dadka dib u dhacsan ee gobolka.

Habdhaqanka Guddoomiyaha ayaa ahaa mid Kalitalisnimo oo milgihii masuuliyadeed ka qaawan, isla markaana aan u qalmin sharaftii uu lahaa ninka maamulka ah, iyo haybadii dawladnimo iyo garashada dhabta ah ee qof kasta oo wanaagsan laga filayo.

Xaynaadbka sharciga caalamiga ah, in loo adeegado awood ciidan dadka degaankaas ee ay naafeeyeen Duufaantii Sagar iyo Abaarihii soo laalaabtay ee ka horeeyay si looga hor istaago in ay dhulka wax kala soo baxaan waxa loogu yeedhaa hal magac oo ah ku xadgudub Awoodeed, habdhaqanka noocan oo kale ahna waa mid meel ka dhac ku ah dimuquraadiyada, kana soo horjeeda rabitaanka iyo hamiga dadka ku dhaqan degaanka Gargaara Bari iyo guud ahaan bulshada jecel cadaalada, meel ka dhacna ku ah ku dhaqanka sharciga, cadaalada ee dalkasta oo dumuquraadi ah

Waxa xusid mudan in hoosta laga xariiqo in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland ay ka masuul tahay hormarinta degaanada iyo dawladaha hoose gaar ahaan dhinacyada samaynta golayaasha degaanka, hubinta in uu hanaanka dawladnimo ee degaanku shaqaynayo, iyo kobcinta awooda maamul ee degaanada dalka si loo helo dawlado hoose oo dimoqraadiyada ah oo la xisaabtanka ogol oo guta waajibka ka saran u adeegida baahiyaha bulshada ee aasaasiga ah, kana shaqeeya ilaalinta amniga iyo xasiloonida kaabaya nabada loo wada baahan yahay, si tan loo gaadhano, waxa lagama maarmaan ah, waajibna ka saran yahay Wasaarada Arimaha Gudaha in ay Dawladaha hoose siiso taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ku salaysan maamul-daadajin. Ma aha wax la aqbali karo ama ku jira masuuliyada loo igamaday in Wasaaradda Arimaha Gudahu ay is hortaagto hormarka, dadkana ay cabsigaliso muwaadiniintana kula dhaqanto siyaasad salka ku haysa kala qoqob.

Iyada oo la tixgalinayo qodobada aan ku ku iftiiminay, waxa aan Dawlada Somaliland ku bootinaynaa in ay dib u eegto, go’aanka uu degaanka Gargaara Bari ka qaatay iyo habdhaqanka masuuliyad daradu ka muuqato ee ka soo yeedhay badhasaabka Gobolka Awdal, arintana u aragto mid ay ku jirto badbaadada nolosha dadka, helitaanka nabad horseeda hormar waara oo ay gaadhaan dadka degaankaas.

Waqtigan xaadirka ah, waxa aan si dhaw indha ugu haynaa xaalada gobolka, waxa aan ku hawlan-nahay ururinta macluumaad duuban iyo markhaatiyo kaleba oo cadayn noqon kara dedaalka aan wadno ee aan doonayso in aan ku difaacno xuquuqda iyo sharafta dadkeena degaanka gudaha iyo debedaba, habkasta iyo waxwalba oo ay ahaataba.

Akhriso Warqadan Oo Af Ingiriisi Ah    



84 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines