Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

12 Xildhibaan loo heysto rabshadihii ka dhacay magaalada Jigjiga oo Xasaanada lagala noqday


sawir
Thu 07 February 2019.

Magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida waxaa maanta kulan ku yeeshay Xildhibaanada Dowlad deegaanka, iyagoo ka arinsaday Xildhibaano loo heystay iney danbiyo ka galeen gobolka.

Kulanka ayaa la iskula soo qaaday in baarlamaanka laga saaro oo Xasaanada lagala noqdo 12 Xildhibaan oo katirsan Ismaamulka Soomaalida, kuwaasoo loo heysto geerida 58 qof oo kamid ah Shacab la toogtay intii ay socdeen rabshadihii ka dhacay Magaalada Jigjiga.

Xildhibaanada Xasaanada lagala noqday, 7 kamid ah waa Rag, halka 5 ay yihiin Dumar, lama sheegin in la xirayo Xubnahan iyo in kale maaddaama xeer ilaalinta Itoobiya ay soo gudbisay 47 qof oo dambi ka galay gobolka kuwaas oo qaarkood xilal haya,kuwana ay dibadda u baxsadeen halka kuwo kale oo uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee Ismaamulka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ay  ku jiraan gacanta Hay’adaha garsoorka.

Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Mustafe Cagjar, ayaa dhamaadka bishii hore sheegay in laga guuleystay kuwo uu ku sifeeyay haraadiga maamulkii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar, kuwaasoo uu sheegay iney gobolka ka wadeen qas iyo Afganbi dhicisoobay

Halkan hoose ka aqriso Magacyada Xildhibaanada Xasaanada lagala noqday:

Ahmed Abdi (ilka case)

MARWO Sucaad ahmed Faarah

Mohamed Rashiid Isaaq.

Marwo Fartuun.

Mohamoud Heeryo.

Marwo Ayaan Gulaandhe.

Abdi Mahad.

Khadar Dheere.

Abdi Haliim.

Marwo Maajida.

Xildhibaan Miig.

Marwo Nasra Hassan.



8 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines