Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

DAAWO:XISBIGA KULMIYE OO WAR CUSUB KA SOO SAAREY SHIRKII GOLAHA DHEXE EE KA QABSOOMAAYEY BORAMA.


sawir
Thu 07 February 2019.

Xog-hayaha xisbiga midnimada iyo horumarka ee KULMIYE, Mudane Mustafe Maxamed Yoonis (Mustafe Waxda), ayaa baaq ku saabsan qaadashada kaadhadhka shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE u diray dhammaanba xubnaha ku jira jira golaha dhexe ee xisbigaas.


Xoghaye Mustafe, ayaa dhammaanba xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ugu baaqay inay maalinta Axadda ah ee soo socota oo bisha labaad ee Jeeniweri tahay 10-ka ay kasoo xaadiraan xarunta guud ee xisbiga KULMIYE ku leeyahay caasimadda Hargeysa, halkaas oo ay ka bilaabmi doonto samaynta kaadhadhka shirka golaha dhexe lagaga qaybgeli doono.
Xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, Mudane Mustafe Maxamed Yoonis isaga oo baaq u diraya xubnaha golaha dhexe ee xisbiga waxa uu yidhi, “Waxan isugu yeedhayaa xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE inay 10/02/2019-ka siddeeda subaxnimo xarunta dhexe ee xisbiga yimaaddaan, iyaga oo hore usoo qaadanaya laba sawir oo loogu samayn doono kaadhkii ay kaga qayb-qaadanayeen shirkii lixaad ee golaha dhexe ee ka dhici doona Boorama. “



34 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines