Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Guddoomiye Mursal oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti [Farriin uu ka siday Madaxweyne Farmaajo]..


sawir
Wed 06 February 2019.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, kaddib socdaal aan la shaacin oo uu ku tagay Jabuuti.

Guddoomiye Mursal ayaa farriin uu ka siday Madaxweyne Farmaajo waxaa uu gaarsiiyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle

Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo sidii Jabuuti ay u sii wadi laheyd taageerada Soomaaliya.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa mugdi ku yimid,tan iyo wixii ka dambeeyay markii dowladda Soomaaliya qeyb ka noqotay Isbaheysiga Itoobiya iyo Eritrea.



12 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines