Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

(Akhriso) Maanso Cajiib ah Oo U Badan Dardaaran Uu Tiriyay Abwaan Hage Omar.


sawir
Fri 01 February 2019.

Ninka aan u doodee
Duubka aan u xidhanoow
Darsigaygu wuxu yahay
Caqligaaga daahani
Dawga yaanu kaa lalin
Kula tagin dar baas iyo
Dagal ay abbootadu
Aabbaha duqoobaa
Duhurkii ilaaa layl
Habaar ay ku dumiyaan

Dunta qaxar iblayskiyo
Dilaal been abuuriyo
Doqon yaanu kuu rarin
Goob dullin ka faafaa
Ku duryaan dhallaankuna

Halka aan ka digayaa
Dariskeene weeyee
Da’da maanta joogtay
Wixii daal dad soo maray
Ha u tumin durbaanada
Doc’da nabarku kaga yiil

Dalkana ha ceebbeen
Magacaaga doollow
Darbigii dayuus’yada
Dusha yaan laguu sudhin
Dus dustiyo wareeguna
Kadab dawarsi kaa gala
Hambo daasi kugu kali

Dulucdayda maansadu
Dir waxay ku leedahay
Duco ay ka sidataa
Dal jacayl naf doogsoon

Daacadnimada waayeel
Deeqsanaanta eray bixin
Waxay doojinaysaa
Dux’da maanka baariyay

Aan kula dardaarmooo
Danta ayn midayneee
Wehel doora ii noqo
Ku dakeeya nolol wacan
Dallagiisa beertooo
Doox-yada macaan-iyo
Bada duuda wayn iyo
Daggalkiisa aaamina
Dacalkuu ka joogaba
U damqada dhulkaa dihan

Dani waa ma guurtoo
Shankaroon dallays baa
Daaimkeen dadkeenii
Ubaxeena diir wacan
Umadeena door mudan
Dabcigeenu yaala
Doollow bal maansada
Dhugo oo bal daadihi
Halka ay dubaaqdee
Duuda ay u wayn tahay
Kal bugtay dawaysaa
Dacar ay ka biisaa
Malab dibin u saartaa



133 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines