Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Badhasaabka Awdal Oo Dadkii ku Caydhoobay Duufaantii Sagar U Diiday Inay Wax kala soo Baxaan Dhulka.

sawir
Fri 25 January 2019.

XOOLA DHAQATADII REER GUURAAGA KU AHAYD DEEGAANADA HOOS YIMAADA DEGMADA LUGHAYA EE G/AWDAL, KUWAASOO XOOLIHII AY DHAQAN JIREEN AY KA DABARGOOYEEN ABAARIHII SIDA ISDABA JOOGA AH UGU SOO NOQNOQONAYEY DEEGAANADAASI SANNADIHII UGU DAMBEEYEY EE AAN KA SOO GUDUBNAY IYO WELIBA AAFADII DUUFAANTII SAGAR1 EE 19/5/2018 KU DHUFATAY DEGMADA LUGHAYA EE XUNDHURTEEDU AH DEEGAANKA GARGAARA BARAY, WAXAY KA WALAACSAN YIHIIN HEERKA BARAKACA BAAHASAN EE SOO FOOD SAARAY MUSTAQBALKA NOLOSHOODA OO U BAAHAN IN WAX LAGA QABTO.

HADABA, MAADAAMA SIDA AAN KOR KU SOO SHEEGAY, XOOLA DHAQATADII REER GUURAAGA KU AHAYD DEEGAANKA GARGAARA BARI EE DEGMADA LUGHAYA AY BARAKACEEN, DABCAN WAXAY KU QAMAAMEEN OO AY NAFI U GEYSAY IN AY QOTAAN DHULKII XOOLOHOODU AY DAAQI JIREEN BALSE AY KA DABARGO'EEN SI AY UGA SAMAYSTAAN BEERO AY KALA SOO BAXAAN WAX HUNGURIGOODA AY U QUUTAAN.

DHANKA KALE, BARAKACAYASHA REER GARGAARA BARI EE XOOLIHII AY DHAQAN JIREEN AY KA DABARGOYSAY DUUFAANTII SAGAR1 AYAA KA ASHKATOONAYA BADHASAABKA GOBOLKA AWDAL, KAASOO U MUUQDA INUU MURAN IYO KHALKHAL KA GELINAYO DEEGAANKOODA GARGAARA BARI EE AY KA BARAKECEEN OO IMIKA AY U SOO DIYAAR GAROOBEEN IN AY HUNGURIGOODA WAX UGALA SOO BAXAAN.

UGU DAMBAYNTII, BARAKACAYASHA REER GARGAARA BARI WAXAY KA CODSANAYAAN MADAXWEYNE MUUSE BIIXI IN UU U FASAXO IN AY DHULKA WAX KALA SOO BAXAAN SI AY UGA BADBAADAAN BAAHIDA IYO DHIBAATADA GAAJADA.

WA BILLAAHI TOWFIIQ.



138 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines