Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Dagaal Khasaaro Gaystay Oo Ciidamada ka Wada Tirsan Dawlada ku Dhex-maray Magalada Muqdisho.


sawir
Mon 21 January 2019.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegayadagaal khasaaro gaystay uu maanta ka dhacay degmada Karaan kaasoo dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa la sheegay iney kala ahaayeen Booliis iyo Milatari, waxaana dagaalkan uu yimid kadib muran ku dhexmaray suuqa degmadaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintey saddex qof, iyadoo Saddex kale ay ku dhaawacmeen, inkastoo khasaaraha uu intaan ka badan karo.

Goobta dagaalkan uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo kale oo dowladda ah kuwaasi oo kala dhexgalay askartii dagaallantay.

Ganacsatada qaar ayaa garab ka mid ah ciidamada dagaalamay ku sheegay burcad dooneysay inay suuqa ka qaataan lacag baad ah, ayna ugu yeereen ciidamada amniga, sidaasna uu dagaalka ku billowday.

Maamulka degmada Kaaraan weli kama hadlin dagaalka. Degmada Kaaraan ayaa waxa ay ka mid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan gobolka Banaadir.



29 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines