Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

WASIIRKA CADAALADA SOMALILAND OO ISKA HORKEENAY LABA BEELOOD OO WALAALA AH OO WADA DEGA DEGMADA LUGHAYA.

sawir
Thu 17 January 2019.

WASIIRKA CADAALADA SOMALILAND OO ISKA HORKEENAY LABA BEELOOD OO WALAALA AH OO WADA DEGA DEGMADA LUGHAYA:

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI MARKII UU MAGCAABAY WASIIRADA XUKUUMADIISA WUXUU FARAY IN AYNA U KALA EEXAN BEELAHA SOMALILAND, IN AYNA ISKU DIRIN BEELAHA SOMALILAND , IN AYNA KA QAYBGELIN SHIRARKA BEELAHA SOMALILAND IYO IN AYNA FARAGELIN KU SAMAYN ARRIMAHA KHUSEEYA BEELAHA BEELAHA SOMALILAND.

HADABA IYADA OO AY SIDAASI JIRTO, HADANA WAXAA AYAAN-DARRO AH WASIIRKA WASAARADA CADAALADA SOMALILAND, MD. CABDIQANI MAXAMUUD CAATEEYE, INUU ISKA HORKEENAY LABA BEELOOD OO WALAALAHA AH OO KALA AH BAHABAR MUUSE (SAMAROON) IYO BA-ADARAXMAAN (CIISE) OO WASIIRKU KA SOO JEEDO, KUWAASOO WADA DEGA DEGMADA LUGHAYA EE G/AWDAL.

DHANKA KALE, WAXAA ISASOO TARAYA WARAR HOOSE OO LAGA SOO XIGTAY WASIIRKA WASAARADA CADAALADA OO SHEEGAYA IN LA MAQLAYEY WASIIRKAN OO TELEFOON U DIRAYEY BEESHA BA-ADARAXMAAN EE UU KA SOO JEEDO, ISAGOO KU QALQAALINAY IN AY QABTAAN SHIR JARAA'ID OO AY KU DURAYAAN BEESHA KALE, SI HALKAAS LOOGU DIRO CIIDAN SOMALILAND AH OO BEESHA KALE SOO XIDH-XIDHA.

ISKU SOO WADA DUUBOO, WASIIRKANI WUXUU U MUUQDAA INUU KU XADGUDBAY OO UU ISKA BAAL MARAY NIDAAMKII MADAXWEYNE MUUSE BIIXI UU FARAY INAY KU DHAQMAAN WASIIRADIISU. SIDAAS AWGEED, WAXAAN KULA TALIN LAHAA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI INUU XILKA KA QAADO WASIIRKA WASAARADA CADAALADA.

WA BILLAAHI TOWFIIQ!



142 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines