Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

GUDOOMIYAHA GOLAHA DEEGAANKA BORAMA OO DUMIYEY DAARO DHAGAXA OO LAGADHISAY DARIIQYADII MAGAALADA IYO CULIMADII MASAAJIDADA OO KUTAAGEERAY TALAABADAA UUQAADAY MAYORKU.: Mohamed Jeh


sawir
Wed 16 January 2019.

Waxaa  qoraalladan  sanadkan, kamid ah oo  maanta aan ugu bishaareyneynaa  akhristayaashayadan in aad nala wadaageysaan  wax-qabadka iyo horumarrada ay ku talaabsadeen golaha degaanka degmada borama.

 

Bishii January, 2019 waxaa  uu maayarka borama ku dhaqaaqey inuu bilicda magaalada dib u soo celiyo dhamaana wadooyinkii xidhnaa dib loo furo, waxaana markii ugu horreeysay uu durba ka bilaabay wax qabad aad u wanaagsan oo ay dareemayaan shacabka ku nool degaanka borama , taasi oo ah sanadkaan  la dareemay jidadkii oo waasac noqdey iyo dadkii reer borama oo aad u faraxsan.

 

 dhismaha jidad cusub oo iyana ku jira wax qabadka maayar saleebaan xasan xadi ku waasoo ay kamidyihiin 1)jidka sheekh cali ilaa sisibta,2)jidka Dooxa ilaa Haya-yaabo 3) jidka Dooxa haya-yaabo ilaa dubuluq 4)jidka sheekh cali ilaa faaraxyod intaasina waxay kujirtaa wax qabadka uu maayar saleebaan xasan xadi durba u balan qaadey shacabka degmada borama.

 

maayar saleebaan xasan xadi waxaa uu xoogga saaray ka miro-dhalinta 10 arrimood oo kala ah: 1) jidad baneynta borama; 2) Sugidda dabagalida arimahaa; 3) Caddaaladda oo loo siman yahay , 4) Kobcinta Dhaqaalaha degmada borama ;, 5) La-dagaalanka Musuq-maasuqa;, 6) Dib u soo nooleynta rajada dhalinyarada 7) maamul daadajinta degmada ;, 8) Adeegga Bulshada, 9) Dib-u- wada shaqeynta ; iyo 10) Xiriirka wanaaga ee golaha .

 

Hadaba aan ka bixino faahfaahin yar oo koban kuna samayno is-dultaagid qodobadaas kor ku xusan ee uu ka hirgaliyey borama.Waxa uu tilmaamay maayar saleebaan xasan xadi inuu xooga saarey sidii loo furi lahaa wadooyinka hal bawlaha ah ee isku xira badhtamaha iyo xaafadaha magaalada borama.

 

Sidaasi darteed mar aan su,aal ka weydiiney maayar saleebaan maxaad mudnaanta usiisay banaynta wadooyinka.?wuxuu ku jawaabey wado banayntu waxay kamid ahayd qorshahaygii hore ee igaqabyoobay sababtoo ah waxaad qabatay iyo wadadii aad laamiga dhigtay haday miss’s iyo jiingado qariyaan ujeedadii loo sameeyey lamagaadhin ,waxa kaloo uu sheegay in aaney Muhammad ahayn wadooyin uun in lasameeyee bales ay tahay baahiyuhu sidaa ukala mudan yihiin.

Mohamed Jeh



94 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines