Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Faah Faahin Laga Helay Qarax Khasaaro Gaystay Oo ka Dhacay Magaalada Paris.

sawir
Sat 12 January 2019.

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax ka dhashay qulqulka gaas oo ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska,kaas oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la ogyahay labo ruux ayaa ku geeriyootay Qaraxa ka dhacay meel ku dhow foorno gudaha magaalada Paris,barqanimadii maanta,waxaana ku dhaawacmay toboneeyo kale,sida ay sheegeen saraakiisha Dowladda Faransiiska.

Afhayeen u hadlay Booliska magaalada Paris ayaa sheegay iney goor hore kooxda dab damiska goobta soo gaareen,waxaana labada ruux ee geeriyootay lagu sheegay iney ahaayeen kooxda dab damiska ee goobta Qaraxa uu ka dhacay gaartay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka dhaawaca ah qaarkood ay xaaladooda adag tahay,islamarkaana lagula tacaalayo goobo caafimaad oo magaalada Paris ku yaalo.

Mid ka mid ah goob joogayaasha oo la hadlay Wakaalada Wararka ee AFP,ayaa sheegay in xilligii Qaraxa uu dhacayay hurdayay,balse uu ku soo toosay dhawaqa Qaraxa.

Dalka faransiiska waxaa ka soconaya banana baxyo, looga soo horjeedo dowladda,balse waxaa la sheegayaa in usaan wax lug ah ku lahayn qaraxaasi dhacay arrimaha siyaasadda ee xiligan taagan.



26 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines