Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Taiwan Oo Lagu Ganaaxay Nin Bisad ku Diray Boostada Deg-deg Ah.

sawir
Sat 12 January 2019.

Dawlada Taiwan ayaa ganaaxday nin bisad nool ku diray adeega boostada degdega ah, Sida lagu baahiyay barta internetka ee wararka ee UDN ee dalkaasi.

Ninkan 33-jir ah oo lagu magacaabo Yang ayaa boostada ku diray Bisad uu ku xirxiray kartoon islamarkaasina ku hagaajiyay goob yar oo xayawaanka lagu xanaaneeyo oo ku taal degmada Banciao, kaasoo lagu ganaaxay NT$60,000 taas oo u dhiganta ($1,952); taas oo uu ku mutaystay markii uu ku xadgudbay sharciga ilaaliya xuquuqda xayawaannada ee Taiwan.

Sidoo kale ninkan ayaa lagu ganaaxay lacag kale oo dheeraad ah oo dhan NT$30,000, kadib markii  xarunta xanaanada xoolaha ay ku eedeeyeen inuusan bisadda ka tallaalin cudurka raabiyada, islamarkaana ku xadgudbay xaquuqada sharciga ka ilaalinta cudurrada dilaaga ee ku dhaca xawaanada.

Mr Yang, ayaa ku dooday inuu bisadan waqti u waayay sidaa darteedana uu damcay inuu bisadda iska fogeeyo, isagoo sheegay inay bisaddu u carbismi wayday oo ay lugta ka dhaawacday, wuxuuna ka dayriyay xaalada bisada oo aan soo hagagayn.

Mas'uuliyiinta ilaaliya xuquuqda xayawaannada ayaa sheegaya in caafimaadka bisadda uu wanaagsan yahay, baaritaan dheerad ah kaddibna qof la siin doono

Madaxa hay'adda ilaalisa xayawaannada, Chen Yuan-chuan, ayaa cambaareeyay dhacdadaas, waxa uuna sheegay: "Xayawaanka ayaa ku dhegi karta haddii lagu rido kartoon aanay hawo ku filan ku jirin, biyo nadiif ah haddii uusan helin sidaasoo kale wareer ayaa ku imanaya."

Waxa uu dadka ugu baaqay inay maraan wadada saxda ah ee sharcigu uu ogol yahay waa markii ay go'aan ku gaaraan in ay isdhaafiyaan xayawaankii ay haysteen, oo waxa ay la xiriiri karaan xafiisyada dowladda ama goobaha xayawaanka lagu xanaaneeyo, goobahaas oo xaqiijin doona in xayawaanka la siiyo cunno nafaqa leh sidoo kalana la talaalo.



35 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines