Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Somaliland Oo ka Cabanaysa Dhalin-yaro Ay Sheegeen In Laga soo Abaabulo Villa Somaliya.



sawir
Sat 12 January 2019.

Wasiirka shaqo galinta iyo arrimaha bulshada Somaliland Hinda Jaamac Gaani ayaa sheegtay in ay dhib ku hayaan dhallinyaro reer Somaliland ah oo laga maamulo xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Waxay sheegtay in dhallinyaradaas ay faafiyaan aragtida xukuumadda Somaliya, islamarkaana bulshada Somaliland beelo u kala qaybiyaan iyaga oo adeegsanaya baraha bulshada.

Wasiirka oo dhallinyaro kula hadlaysay munaasibad lagu qabtay Hargeysa waxay dhallinyarada ugu baaqday in ay kuwaas dalka ka difaacan iskana hubiyaan oo aanay kuwaasi duufsan.

Sidoo kale Wasiirka ma sheegin in dhaliyaradaasi yihiin kuwa mucaaradka taabacsan islamarkaasina naqdiya ficillada xukuumadda Biixi, iyo in ay yihiin kuwo shaqada ay tilmaantay u qabta xukuumadda Soomaaliya



14 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines