Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Guddoomiye ku Xigeenka Guddiga Doorashada Ee Oo Jawaab Kulul Bixiyey Xilka Qaadis Lagu Sameeyay.

sawir
Sat 12 January 2019.

Guddoomiye ku-xigeenka guddiga madax banaan ee doorashooyinka qaranka somaliya, md. Sayed Cali Sheekh ayaa ku gacan saydhay warqad lagu sheegay in xilkii iyo xubinnimadii guddiga laga xayuubiyey, taasoo shalay kasoo baxday xafiiska Gudoomiyaha guddiga.

Sayed Cali Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in guddiga uu yahay guddi baarlamanka Somaliya uu soo dhisay sidaas darteedna uu baaralamanka oo kaliya uu xilka ka qaadi karo, isagoo ku eedeeyey guddoomiyaha guddiga Xaliima Yarey inay musuq-maasuq baahsan, eex, sharci-darro iyo ku tagri-fal awoodeed ka dhex waddo guddiga, ayna ku fashilantay hoggaankii guddiga.

“Xaliimo Yarey waxay guddiga ka dhigtay dukaan ay ayada leedahay, oo ay uga faa’iideysato danaheeda gaarka ah” ayuu yiri Sayed Cali oo sheegay in shaqaalaha hoose ee guddiga ay ka wada dhigtay xubno beesheeda ah.



30 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines