Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Somaliland Oo ka Hadashay Dacwad ay Somaliya ka Gudbisay Saldhig Ingiriiska Laga Siinayo Berbera.



sawir
Sat 12 January 2019.

Xukuumadda Somaliland ayaa xaqiijisay jiritaanka inay dawladda Soomaaliya Ingiriiska u gudbisay dacwad ka dhan ah socdaalkii uu toddobaadkii hore Hargeysa ku yimid xoghayaha gaashaandhiga Ingiriiska Gavin Williamson.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa ugu horayn ka hadlay warar sheegayay in Ingiriisku doonayo inuu saldhig milatari ka samaysto Somaliland, wuxuu yidhi “Saldhig Milatari oo uu Ingiriisku inaga doonayo si uu dalkeena uga samayso ma jirto, ma garanayo wararkaasi halkay ka yimaadeen.”

Wasiirka oo la weydiiyay inay dawladda Soomaaliya dacwad ka gudbisay socdaalkii uu xoghayaha gaashaandhiga Ingiriisku ku yimid Somaliland, wuxuu yidhi “Way jirtaa Dacwadani,laakiin maaha Dacwad ay cid wax ku yeelayso Soomaaliya, waa iska hadal uun, Dawladda Soomaaliyana waxa dhaqan iyo caado ay ka dhigatay inay Somaliland daba socoto, laakiin waxba Somaliland ku yeeli mayso, waxbana inagaga qaadi mayso.”

Mar aanu wax ka weydiinay in Ingiriisku ergey gaar ah u soo magacaabay Somaliland, wuxuu wasiir Faratoon ku jawaabay, “Wax Safiira oo la inoo soo magacaabay oo aanu ognahay ma jiro, ee Inaga iyo Ingiriiska xidhiidh wanaagsan oo soo jireena ayaa inaga dhexeeya, si fiicana way inoo la shaqeeyaan, wax gaar ah se ma jiro, gabadhii inala shaqeeynaysay, ayaa la bedelay, oo qof kale ayaa lagu soo bedelay, awalna si fiican buu Ingiriisku inoola shaqeeynayey, waxaana ku rajo weynahay inuu xidhiidhkeena iyo wada shaqaynteenu inay sii socoto, oo ay intaas ka sii balaadhato”.



25 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines