Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Itoobiya Oo ku Faantay Ilaalinta Xuquuqda Maxaabiista Iyo Tirada Laga Siidaayay Xabsiyada Oo la Shaaciyay.



sawir
Fri 11 January 2019.

Maamulka xabsiyada ee dawlada federaalka ah ee Itoobiya ayaa warbaahinta u soo bandhigay warbixin la xidhiidha horu marka ay dawladu ka gaadhay ilaalinta xuquuqda maxaabiista ku xidhan jeelasha kala duwan ee dalka Itoobiya.

Jemal Abaso oo ah agaasimaha guud ee maamulka Xabsiyada dawlada federaalka ah ayaa sheegay in lixdii bilood ee ugu dambeeyey horu mar laga gaadhay hubita iyo ilaalinta xuquuqda dadka maxaabiista ah.

Agaasime Jemal Abaso ayaa sheegay in la dareemay horumar laga gaadhay xabsiyada ka dib markii tababar la siiyey shaqaalaha maxaabiista kuwaas oo ay ku jiraan hogaamiyeyaal sare.

Sidoo kale agaasime Jemal Abaso ayaa sheegay in qorshuhu yahay tayeynta maamulka xabsiyada isaga oo xusay in xubno cusub lagu badalay hogaamiyeyaal gaadhaya 103.

Sidoo kale waxa uu cadeeyey in go’aan ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya lagu fasaxay maxaabiis gaadhaysa 6,504 kuwaas oo xoriyadooda dib u helay xabsiyadana laga sii daayey lixdii bilood ee ugu dambeeyey.

 



24 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines